Posts

Showing posts from September, 2017
Yaa Booga Dhayi Kara, Nabarrada Bogsiin Kara,                 Bulsho Yaa Ugar Naqi Kara. Shacabkaan Basaasee Baydadee Fogaadee Sida Cawsha kala biday ,  Yaa usoo Banbixi Kara, Bartamaha Imaan Kara , Dadku wada Bogaasaan, Yaa Caddaalad Bogi Kara, Xaqqa Baal ufuri Kara, Aaminaad Ballamin Kara, Inta aan Dadnimadiyo , Darisnimada Shacabkiyo, Summaddeena Deegaan, La inkirin Dunteennaba, Qolo kale Ladabagalin, Ceeb loo dabbaal Dagin, Intaan Diinta lagabixin, Culimadu dibbood noqon, Caqqiidada ladabamarin, muslinnimo daciif noqon, Aakhiro laduudsiin, Inta aan Dillaaladu waxaan duunyo dhaqanniyo, Dalagyada inoo baxa, Badihiyo wixii Dihin, Dalka iibsha nagu oran, Idinkaa duffoobaye, Duuduuba shacabkoo, Dufan qaata nala Oran, Yaan Maal Daldalanayn. Adduunyada Dan Moodayn. Kaligii Wax Dooneyn. Damiirkii Wax uga Haray. Aayahan Dibboodda ah, Noloshaan Dayacanta ah, Yaan uga Dambaynaa Dammaan...